Dil dad badan ka argagaxeen oo ka dhacay Guriceel iyo faah faahino kasoo baxaya

Wararka ka imaanaya magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay magaaladaasi ka dhacay dil dad badan ka argagaxeen, kadib markii haweeney kamid aheyd dadka deegaankaasi nolosha is dhaafiay.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in haweeney ka maseertay xaas labaad uu ninkeeda la guursaday in ay sun cabtay kadibna geeriyootay, waxa uuna dilkan noqday mid dad badan ka argageen.

Ehelada haweeneyda is dishay ayaa laga oo xigtay in xaalad adag iyo isku buuq ku yimid haweeneydan kadib markii ninkeeda xaas kale guursaday, waxaana haweeneydan maseer dartiis u cabtay sun sababtay in ay geeriyooto.

Ciidamada booliiska magaalada Guriceel ayaa wada baaritaano ku aadan haweeneydan sunta cabtay kadibna geeriyootay, mana jiro ilaa hada wax war ah oo booliiska kasoo saareen dhacdadan.

Dilkan dadka badan ka naxeen ayaana noqday mid maanta si weyn looga hadal hayo magaalada Guriceel, mana ahan markii ugu horeeo dil salka ku hayo maseer oo ka dhaco gudaha Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -