Wariye Caan ah oo u dhintay Caronavirus iyo in Dhalinyarada Cudurkaasi dilo oo…

Wariye caan ah oo u dhashay dalka Zimbabwe ayaa la xaqiijiyay in uu u geeriyooday caabuqa Caronavirus kadib maalmo uu la il darnaa ,waxaana sii kordhaya dadka dunida dacaladeeda ugu geeriyoonaya cudurkan.

Zororo Makamba oo 30 sano jir ahaa ayaa sabtidii la geeyay isbitaal kuyaala magaalada Harare kadib markii ay xaaladiisa ka dartay, wariyahan ayaana markii dambe u geeriyooday Caabuqa Caronavirus.

Wariyahan dalka Zimbabwe ugu geeriyooday Cudurka caronavirus ayaa kamid ahaa wariyaasha ugu caansan dalkaasi, waxaana la sheegay in Wariyahan oo ahaa nin dhalinyaro ah uu kasoo jeeday qoys hanti leh oo laga yaqaan Zimbabwe.

Geerida wariyahan dhalinyarada ahaa ayaa meesha ka saareysa hadal heyn ku aadaneyd in dadka Zimbabwe aaminsan yihiin in Cudurka Caronavirus uusan dilin dhalinyarada balse uu dilo dadka waa weyn oo kaliya.

Caabuqa Caronavirus ayaa kusii faafaya daafaha dunida, waxaana inta badan dadka u dhintay cudurkan la sheegay in ay yihiin dad da’ ah, waxaana aad u yar dhalinyarada u geeriyootay cudurkan sida ay sheegeen khuburada caafimaad ee cudurkan la socda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -