Xaaf oo lagu qal qaalinayo ka qeyb galka Caleemo saarka Madaxweyne Qoor Qoor

Magaalada Dhuusomareeb ee caasimada Galmudug ayaa la filayaa in lagu qabto caleemo saarka Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye , waxaana socota qaban qaabada munaasabadaasi inkastoo dib u dhac ku yimid waqtigii la qorsheeyay .

Munaasabada Caleemo saarka oo dib loo dhigay waqtigii loo qorsheeyay Caronavirus owgiis ayaa hada waxaa socda dadaalo lagu doonayo sidii loogu qancin lahaa Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Xaaf in uu kasoo qeyb galo.

Gudoomiyaha guddiga qaban qaabada xaflada Caleemo saarka Madaxweynaha Galmudug Yuusuf Garaad Cumar oo gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynihii hore ee Galmudug Xaaf.

Xaaf iyo Yuusuf Garaad ayaa kawada hadlay arimo badan oon warbaahinta loo soo bandhigin, waxaana wararka aan heleyno sheegayaan in wadahadalka qeyb ka aheyd sidii Madaxweyne Xaaf uga soo qeyb gali lahaa caleemo saarka una wareejin lahaa xilka.

Maamulka Galmudug ayaana horey u sheegay in wadahadal la yeesheen Madaxweynihii hore ee Galmudug Xaaf ayna la galeen heshiis aan saxaafada loo soo bandhigin, lamana oga waxa uu soo kordhin karo kulanka Xaaf iyo Yuusuf Garaad dhax maray.

Madaxweynihii hore ee Galmudug Xaaf oo saldhig ka dhigtay Koonfurta Gaalkacyo ayaa horey u diiday doorashadii uu Qoor Qoor kusoo baxay, waxa uuna Xaaf wali aaminsan yahay in uu yahay Madaxweynaha saxda ah ee Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -