Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Soomaalidii ugu badneyd oo Coronavirus ugu geeriyootay dalka Sweden

Ugu yaraan lix Soomaali ah ayaa ka mid noqotay 15 ruux oo dalka Swdeden ugu geeriyooday saacadihii la soo dhaafay cudurka Coronavirus sida ay sheegtay warbaahinta dalkaas.

Telefishinka Sweden ee SVT oo soo xiganaya ururka iskutaga dhaqaatiirta ayaa caawa xogtan baahiyey.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in arrintan ay ugu wacan tahay, dadka oo aan helin xog buuxda oo cudurkan la xirriira markii uu dalka ku faafay, ayna si caadi ah u dhaqmayeen.

Sidoo kale waxay sheegeen in dadkaasi intooda badan ay cuduro kale horey u qabeen sida kaadi macaanka iyo dhiigkarka.

Soomaalida ku nool Sweden ayaa intooda badan degan guryo cirriiri ah, taasoo la sheegay iney sababtay in cudurkan uu ku dhex faafo.

Sweden ayaa haatan noqotay dalka ugu badan qaarada Yurub ee cudurka Coronavirus uu ku dilay Soomaalida, waxaana weli jira Soomaali la ildaran cudurkan oo jiifa goobaha caafimaadka dalalka Yurub, halka kuwo kalena ay ka bogsadeen cudurkan halista ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Bin-Laden hooyadii oo markii ugu horeysay ka hadashay arrimaha Wiilkeeda (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Jubbaland oo amar dul dhigay Ganacsatada Dekadda Kismaayo Isticmaasha

Cabdi Cade

Jabhada TPLF oo shaacisay labo meelood oo ay dagaal ku qaadi doonaan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---