Puntland oo amar cusub ku soo rogtay Masaajidada & dugsiyada Quraanka

Wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqan-celinta maamulka Puntland Cawil Shiikh Xaamud Maxamed ayaa soo saaray amar sheegaya in muddo laba todobaad ah la xiro dhammaan masaajidda iyo dugsiyada Qur’aanka degaannada Puntland.

Talaabadan ayuu wasiirku sheegay in ujeedada laga leeyahay ay tahay sidii looga hortagi lahaa cudurkaas Coronavirus.

Xaamud, ayaa sidoo kale culimaa’udiinka masaajidda iyo macalllimiinta dugsiyada Qur’aanka ku boorriyay inay si deg deg ah u dhaqan-geliyaan fulinta amarkaas, waxaana uu ku hanjabay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono ciddii aan u hoggaansamin amarka dowlada.

Puntland ayaa fasaxday maalmo ka hor dhammaan goobaha Waxbarashada iyo Xafiisyada dowladda, iyadoo amar ku bixisay in la joojiyo kulamada dadweynaha.

Inkastoo Soomaaliya lagu arkay hal kiis oo kaliya haddana waxaa ka taagan cabsi iyo walaac la xiriira cudurka Coronavirus oo xasuuq badan ka geystay dalal ka tirsan caalamka gaar ahaan qaaradaha Asia, Yurub iyo America oo kumanaan qof uu ku dilay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -