Lorenzo Sanz oo la xaqiijiyay in uu u Geeriyooday Caabuqa Coronavirus

Madaxweynihii hore ee kooxda kubada cagta ee Real Madrid Lorenzo Sanz, ayaa la xaqiijiyay in xalay gudaha dalka Spian ugu  geeriyooday caabuqa sida daran dunida ugu faafaya ee Caronavirus .

Lorenzo Sanz, ayaa isbuucii hore la dhigay isbitaal kadib markii lagu arkay calaamadaha Caronavirus, waxaana ninkan oo 76-sano jir ah ugu dambeyn u geeriyooday caabuqa Caronavirus oo dad badan ku dilaya wadamo badan oo caalamka katirsan.

Waxa uu Sanz  agaasime ka ahaa Real Madrid muddo 10 sannadood ah ka dib markii uu ku biiray 1985-dii, ka dib waxaa loo doortay madaxweyne sannadkii 1995 isagoo xilka hayay muddo shan sannadood ah.

Ciyaartoy iyo dad kale oo magac ku leh kubada cagta caalamka ayaa si murugu leh uga hadlay geerida ku timid ninkan Madaxweynaha kasoo noqday kooxda Caanka ah ee Real Madrid .

- Advertisement -