Ciidanka Xoogga dalka oo sii siqaya degmooyin hor leh oo ka tirsan Sh/hoose

Sida ay baahisay warbaahinta dowlada Al-Shabaab ayaa bilaabay inay isaga cararaan Degmooyinka kuntuwaareey iyo Sablaale ee gobolka Sh/hoose kadib markii ciidanka Xoogga dalka ay halkaasi ka bilaabeen dhaqdhaqaaqyo ujeedkoodu yahay sidii Al-shabaab looga saari lahaa guud ahaan gobolka Shabeelaha hoose.

Ciidanka xoogga dalka ayaa gaaray nawaaxiga degmooyinka Kuntuwaareey iyo Sablaale, iyagoo qorsheynaya iney halkaas la wareegaan saacadaha soo socda sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada hogaaminaya howlgalka.

S/Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugan degaanka Janaale ayaa sheegay in Al-Shabaab ay isaga baxeen degmooyinka Sablaale iyo Kurtunwaarey, ayna kaabiga ku hayaan ciidamada xoogga dalka.

“Maleeshiyaadka argagaxisada ee ka baxay Sablaale iyo Kurtunwaarey waxay u carareen dhinaca gobolka Jubada dhexe balse waan uga daba tagaynaa insha allaah” ayuu yiri S/Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir Ciidanka Xoogga dalka ayaa kordhiyay howlgalada dhanka ah al-shabaab ee gobolka Sh/hoose, iyagoo dhowaan kala wareegay degaanka Janaale oo ka mid ah meela ugu muhiimsan gobolka Shabeelaha hoose.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com Muqdisho Somalia Allbanaadir@live.com

- Advertisement -