Khilaaf soo kala dhex galay Wasiirka A/dibeda DF & Wasiiru dowlaha (Qoraalo iska horjeeda)

Waxaa banaanka u soo baxay Khilaaf ba’an oo u dhaxeeya Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo Wasiiru dowlaha Wasaaraddaas C/qaadir Axmed Kheyr kaddib markii ay soo kala saareen qoraalo isburinaya oo la xiriira masuul cusub oo la magacaabay.

Shabakada Allbanaadir Online ayaa heshay nuqulo ka mid ah warqadaha iska horjeeda ee labada masuul ay soo kala saareen.

Qoraalka hore waxaa soo saaray Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda C/qaadir Axmed Kheyr waxaana uu ku magacaabay masuul cusub oo ah Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Shirwac C/llaahi Ibraahim.

C/qaadir Axmed Kheyr ayaa sidoo kale qoraalka ku gudbiyey saxiixa masuulka uu u magacabay howlaha maamulka iyo maaliyadda Wasaaradda, isagoo la socodsiiyay Xisaabiyaha Guud, Bankiga Dhexe, Wasaaradda Maaliyadda iyo Hanti dhowrka qaranka.

Balse Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad oo u muuqday inaanan lala socodsiin qoraalka hore iyo masuulka lagu magacaabay ayaa soo saaray warqad kale oo uu ku burinayo magacaabida agaasimaha cusub ee Maamulka iyo Maaliyadda, isagoo sidoo kale warqadiisa ku xusay in xilkaas uu weli hayo Saacid Aadan Jaamac.

Wasiir Cawad ayaa sheegay in qoraalka hore lagu soo saaray sifo aan sharci aheyn oo baalmarsan nidaamka shaqada Wasaarada, iyadoo wararku sheegayaan in khilaafkan uu in muddo ah soo jiitamayey haatana uu banaanka u soo baxay, welina lama oga sida uu khilaafkan ku abuurmay iyo halka uu ku dambeyn doono.

HOOS KA AKHRISO QORAALADA WASIIRKA IYO WASIIRU DOWLAHA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -