RW Khayre & Wafdigiisa oo caawa soo gebagebeeyey booqashadii Addis Ababa

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafdigii uu horkacayey ayaa caawa dalka dib ugu soo laabtay kadib booqasho saacado qaadatay oo uu ku tagay magaalada Addis Ababa.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan kula soo yeeshay magaalada Addis Ababa dhiggiisa dalka Ethiopia Abiy Ahmed.

Kulanka labada mas’uul ayaa diiradda lagu saaray adkaynta xiriirka labada dowladood iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo siyaasadda.

Mas’uuliyiinta ayaa isla soo qaaday xaaladda caabuqa Coronavirus iyo sida ay labada dal wadajir u wajahi karaan, iyada oo la eegayo dhinacyada la iska kaashan karo, si looga hortago inuu ku faafo labada dal.

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa sidoo kale ka wada hadlay xasilloonida gobolka Geeska Afrika iyo kaalinta ay labada dowladood si wadajir ah uga qeyb qaadan karaan.

Soo laabashada wafdiga Raisul Wasaaraha ayaa ku soo aadeysa saacado yar ka hor xili caawa saqda dhexe uu dhaqan galayo amar ka soo baxay xukuumada Somalia oo lagu joojiyey dhamaan duulimaadyadii caalamiga ahaa ee dalka iman jiray maalin walba sababo la xiriira ka hortaga cudurka COVID-19, iyadoo amarkan uu socon doono 15 maalmood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -