Shirweynaha Wadatashiga Puntland oo goordhaw ka furmay Garawe (Daawo Sawirada)

Waxaa goordhaw xarunta Jaamacada PSU ee magaalada Garawe ka furmay Shirweymaha Wadatashiga Puntland uu horey u iclaamiyay Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni.

Shirkan waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Maamulka Puntland, Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Dowlada federaalka Soomaaliya, Waxgarad, Siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland.

Shirkan ka furmay magaalada Garawe ayaa looga hadli doonaa aayaha Puntland iyo sida laga yeelayo khilaafka xoogan ee maamulkaasi kala dhaxeeya Dowlada federaalka Soomaaliya uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa shirkan ka furmay magaalada Garawe ka qeyb galaya Wasiiro aad ugu dhaw Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya lamana oga waxa uu shirkan ka bedeli doono mowqifka xubnahan katirsan Xukuumada Soomaaliya.

Gabo gabada shirkan ayaa laga soo saari doonaa War Murtiyeed lagu xusi doono waxyaabaha kasoo baxo shirkan maanta ka furmay magaalada Garawe, waxaana dad badan isha ku hayaan waxa kasoo bixi doona shirkan xasaasiga ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -