Amaanka Musharaxiinta tageysa Jowhar iyo Baladweyn oo laga shiray (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa shir gudoomiyay kulanka guud ee amniga Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Kulankaan oo ay kasoo qeybgaleen Wasiirka Amniga Gudaha, Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, Taliyaha Guutada 3aad qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Hirshabeelle, Taliska Booliska, Saraakiisha Amisom ee Secter five, iyo Howlwadeenada Xafiiska Madaxweynaha,

Madaxweynaha ayaa kulankan muhiimka ah ee Amniga warbixin guud uga dhageystay saraakiisha Hay’adda Amniga Dowladda Hirshabeelle iyadoo kulankaan looga hadlay Amaanka deegaanada Hirshabeelle, Sameynta Howlgalo qorsheysan, adkeynta Amniga musharixiinta, iyo xaqiijinta Nabad galyada Magaalooyinka Jowhar iyo Beleddweyne oo ay ka dhacayaan Doorashooyinka.

Saraakiisha Hay’addaha Amniga ayaa madaxwaynaha la wadaagay howlgalo qorsheysan oo Hay’adaha Amaanka sameeyeen is looga shaqeeyo nabad galyada Caasimada iyo Guud ahqaan Magaalooyinka Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn Saraakiisha Amniga faray inay laba laabaan howlaha shaqo ee loo igmaday adkeeyaana amniga guud.

- Advertisement -