Dowlada Somalia oo shaacisay in la karantiilay afar qof oo ka yimid dalka dibadiisa

Wasaarada caafimaadka Somalia ayaa sheegtay in afar qof oo lagu tuhunsan yahay iney qabaan cudurka Coronavirus lagu karantiilay magaalada Muqdisho, kuwaasoo ka yimid dalka China oo ah halka uu ka soo bilowday cudurkan si weyna ugu faafay.

Qoraal ay soo saartay wasaarada ayey ku sheegtay in dadkan lagu hayo goob gaar ah oo loogu talo galay in lagu karantiilo dadka lagu tuhmo cudurkan, isla markaana la hubinayo xaaladooda caafimaad ha hor inta aan bulshada lagu fasixin.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -