Itoobiya oo lagu qabtay hub badan oo sharci daro ah oo laga keenay Turkiga

Ciidamada amaanka dalka Itoobiya ayaa gacanta ku dhigay hub badan oo dalkaasi loo soo galiyay qaab sharci daro ah, waxaa sidoo kale laamaha amaanka xir xireen dad badan oo lagu tuhmayo in hubkan ku lug lahaayeen.

Telefishinka dowlada Itoobiya oo soo xiganaya saraakiil sirdoon ayaa ku waramay in ciidamada amaanka qabteen Konteenar uu ka buuxo hub badan, waxaana kuneenarkan laga oo dejiyay dekadda dalka Jabuuti.

Sirdoonka Itoobiya ayaa  Telefishinka dolada u sheega in ay rumeysan yihiin in hubkan laga soo dhoofiyay dhinaca Turkiga isla markaana ay Itoobiya soo geliyeen kooxo caalami ah oo ka ganacsato hubka sharci darrada ah

Hubkan sharci darada ah ee lagu qabtay Itoobiya ayaa lagu qiimeeyay 13 malyan oo doolar, waxaana hubkan ku jiray ilaa 18,000 bastoolado cusub iyo nuucyo kala duwan oo hub ah sida saraakiisha sheegeen.

Ciidamada amaanka Itoobiya ayaa sidoo kale xiray 24-qof oo la tuhmayo in ay ku lug leeyihiin hubkan lasoo galiyay Itoobiya, waxaana dadkaasi la qabtay ku jira labo qof oo u dhashay dalka Sudan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -