Dayactir ka bilowday xarunta dembi baarista CID & Taliyaha booliska oo komeeray (Daawo Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Bashiir Cabdi Maxamed oo ay wehliyeen  qaar ka mid ah Saraakiisha Booliska, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagey Xarunta dambi baarista CID oo ay ka socoto howlo dib u dayactir ah oo  lagu sameynayo xaruntaasi.

Taliyaha ayaa mid mid u soo indha indheeyey qeybaha kala duwan ee dhismaha iyo dayactirka lagu sameynayo, waxaana warbixin kooban oo ku saabsan sida ay u socoto Shaqada laanta dambi baarista siiyey Taliyaha Xaruntaasi.

Jen. Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa sheegay in Qarashka ku baxaya dib u dayactirka lagu sameynayo Xaruntan uu bixinayo Taliska Ciidanka Booliska, isla markaana aysan aheyn kaalmo ka timid dad kale, isaggoo xusay in Taliska uu sameeyey qorshe lagu dhisayo dhammaan xarumihii Ciidanka Booliska ee ku burburay dagaaladii kala duwanaa ee dalka ka dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

.

 

.

- Advertisement -