Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo saakay weerar lagu jabiyay ku qaaday fariisin ciidan

Kooxda Al Shabaab ayaa weerar xooggan ku qaaday fariisimo ay ciidanka dowladda iyo ciidamo kale oo huwan ah ay ku jiraan macawuusley ay ku sugnaayeen, waxaana weerarkan la sheegay in si weyn loogu jabiyay kooxda Al Shabaab.

Weerarka Al Shabaab oo ku bilowday qaraxyo ayey saakay aroortii hore ku qaadeen deegaan lagu magacaabo Cadow Gurey oo hoostaga degmada Buulo Burte ee gobolka Hiiraan, waxa uu si gaar ah deegaankan la weeraray ugu dhaw yahay halka loo yaqaan Beero Yabaal.

Goobta Al Shabaab weerareen ayaa la sheegay in ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya, ciidamo ka socday Galmudug iyo ciidanka macawuusleyda, waxaana halkaasi shalay tagay Taliyaha NISA , Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle iyo masuuliyiin kale.

Dagaal socday ku dhawaad 3-saacadood ayaa la sheegay in uu ka dhacay goobta ay Al Shabaab soo weerareen, waxaana saraakiisha ciidanka ee halkaasi ku sugan sheegeen in ay jabiyeen kooxdii weerarka kusoo qaaday ayna ka dileen xubno badan.

Fariisimaha ciidan ee la weeraray ayaa la sheegay in hadda joogaan ayna howlgallo ka wadaan ciidanka dowladda iyo kuwa kaleee deegaanka, waxa ayna ciidamada sii baacsanayaan firxadka kooxdii Al Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo iyo Rooble oo gaaray Teendhada Afisiyooni iyo Madaxda maamulada oo…

Cabdi Cade

Maxaa looga hadlay kulankii maanta ee Golaha Aqalka sare?

Caydiid Ali

Hoos u dhac taariikhi ah oo ku yimid qiimaha shidaalka qeyriin ee Mareykanka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---