Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Raisul Wasaare Boris Johnson oo ka carooday hadal si kaftan ah loo jeediyey

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa raali gelin ka bixiyay muuqaal uu kasoo muuqday shaqaale ka tirsan xafiiskiisa kaasoo ku saabsanaa in xilliggii lagu gudo jiray xayiraadda cudurka Karona xafiiska lagu qabtay munaasabadda kirismaaska ee ciida masiixiga.

Boris Johnson ayaa amray in la baaro in la jebiyay xeerarka iyo in kale xilliggaas. Waxay arrintani ka dambeysay xilli marar badan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha uu beeniyay in xafladdaas ay ka dhacday xilliggii xayiraadda.

Boris Johnson wuxuu sheegay inuu ka carooday markii uu arkay muuqaalka, isagoo xaqiijiyay in wax xaflad ah aanan lagu qaban xafiiska isla markaana aanan la jebin xilliggaas xeerarkii ka hortagga Covid-19.

Ra’iisul Wasaaraha wuxuu sidoo kale sheegay in haddi la xaqiijiyo dhacdada tallaabo laga qaadi doono dadka ku lugta leh arrintaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Daawo Sawirada: Diyaaradii ugu horeesay ee si toos ah isaga kala gooshta Australia iyo Yurub

Cabdi Cade

Wasiirad Sumcad daro u keentay dalkeeda oo xilka laga qaaday kadibna la xiray !!

Cabdi Cade

Puntland oo ka hor timid guddi ay magacowday Xukuumada Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---