Ciidamo isku dhaf ah oo baaritaano ka sameeyey degmada Hobyo (Sawirro)

Ciidamada Amniga ayaa howlgal ballaaran ka wada Degmada Hobyo ee gobolka Mudug oo uu maalmahanba ku sugnaa Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Ciidamadan oo isugu jira Xoogga Dalka Qaybta 21-aad , Kuwa Booliiska gaarka ah ee Haramcad oo ay wehliyaan Ciidmaada Booliiska Hobyo ayaa wada howlgalkan oo lagu baarayo Gaadiidka Dadwaynaha,Guriyaha laga shakiyo iyo goobo bartilmaameed u ah howlgalkan.

Saraakiisha Amniga ayaa sheegaya in ay jiraan tuhuno amni oo muujinaya Qorshayaal Alshabaab Ku doonayaan fulinta weeraro qaraxyo ah oo ay ka fuliyaan Galmudug .

Howlgalkan ayaa ku soo beegmaya Xili Ciidamada Qaybta 21-aad ay saaka aroornimadii saakay fashiliyeen weerar ismiidaamin ah oo lagu qaadey Xerada Bacaadweyne oo ka tirsan Degmada Hobyo, sidoo kalena ciidamadu waxay Howlgal qorsheysan oo Gaalkacyo ka dhacey ku qabteen Gaari waxyaabaha qarxa lagu soo rarey iyo shaqsigii watay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -