Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Duq magaalo oo lamaanayaasha is guursanaya ugu baaqay in geed talaalaan !!

Duqa magaalada Burco ee gobolka Togdheer ayaa ugu baaqay lamaanayaasha kunool magaaladaasi ee doonaya in ay is guursadaan in marka hore geed kutalaalaan mid kamid ah wadooyinka dhax mara magaalada Burco.

Maxamed Yuusuf Muraad ayaa sheegay in maamul ahaan usoo jeedinayaan dhalinyarada  Burco gaar ahaan lamaanayaasha is guursanaya in geed ku talaalaan magaalada, waxa uu balan qaaay in maamulkiisa geedaha la talaalo uu waraabin doono .

“Lamaanne kasta oo is mehersadda oo reer Togdheer ah waa innuu geed ka beerraa jidkaas dheer ee tiitaanik iyo jidka xagga Garoowe u kaca. Saddex arrimoodba waad ka arki doontaa mid weeyaanne nasiibkaaga bal sida geedkaasi u baxo waad arki doontaa, ta labaadna Illaahay agtiisa Xasannaad ayaad ka heli doontaa, midda saddexaadna bilicdii gobolkaaga ayaad ka qayb-qaadanaysaa.” ayuu yiri duqa Burca.

Lamaanayaasha doonaya in ay i guuradaan ee kunool magaalada Burco ayaan la ogeyn ida ay u fulin doonaan codiga uu usoo jeediyay duqa magaalada ee ku aadan in geed magaalada ku beeraan.

 

Related posts

Ruushka oo lagu eedeeyey inuu dagaalka Ukraine u adeegsaday hub kiimiko ah

Caydiid Ali

Da’yar Cilmi doon ah oo safar Baaskiil uga baxay dalka Gini si uu u gaaro Masar

Cabdi Cade

Yaa u soo baxay finalka tartanka Ciyaaraha dowlad goboleedyada & G/Banaadir (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---