War Saxaafadeed Caawa kasoo baxay Dowlada federaalka Soomaaliya (Akhriso)

War saxaafadeed caawa kasoo baxay wasaarada warfaafinta xukuumada Soomaaliya ayaa lagu faah faahiyay duqeyn diyaarada dagaalka Mareykanka maanta ka fuliyeen meel ku dhaw deegaanka Gandershe ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Duqeynta ayaa dowlada sheegtay in lagu dilay afar xubnood oo kamid ah dagaalyhanada Al Shabaab, waxaana warkan lagu sheegay in duqeynta aysan waxyeelo kasoo gaarin dad shacab ah.

War saxaafadeedka dowlada ayaa u qornaa sida tan :

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka AFRICOM ee Mareykanka oo iskaashanaya ayaa duqeynka cirka u gaystay xagjiriinta Alshabaab meel u dhaw tuulada Gandarshe ee gobolka Shabeelada Hoose .

Duqeyntan oo aad looga soo baaraandagay ayaa lagu dilay afar(4) ka tirsan argagaxisada Alshabaab.

DFS iyo Ciidamada AFRICOM ayaa qaadaya tallaabooyin muhiim ah oo looga gol-leeyahay ilaalinta nolosha dadka shacabka inta lagu gudajiro la dagaalanka Alqaacida iyo dabadhilifkooda Alshabaab, iyada oo si hufan loo baarayo eedayn walba oo lasoo wariyo. Ilaa hadda hubintii la sameeyey ma jirto cid shacab ah oo wax ku noqotay dhaawac iyo dhimasho midna.

Duqeyntan ayaa ah mid lagu baritaarayo DFS si ay meesha uga saarto gaboodfallada Alshabaab islamarkaana shacabka Soomaaliyeed u helaan mustaqbal wanaagsan

Way ka go’antahay Dawladda Federaalka Soomaaliya ciidamaddeeda kala duwan ee Xoogga Dalka, Danab iyo bahwadaagooda Mareykanka la dagaalanka argagaxisada Alshabaab si loo baajiyo waxyeelada ay u gaysanayaan shacabka aan waxba galabsan ee leh rag, dumar iyo carruur oo ku dhaqan Soomaaliya iyo deriskeedaba. Dadaaladan aan ku dhawreenno shacabka iyo ilaalinta ayaa ka geddisan weerarrada fuleynimada ah ee aan loo meeldayin oo Alshabaab kula kacaan meelaha ay shacabka ku badanyihiin ee Soomaaliya.

Weerarkan ayaa imanaya kagadaal markii ciidanka Xoogga Dalka oo fadhigoodu yahay Ceel Salini ay jabiyeen weerarkii argagaxisada Alshabaab ee kusoo qaadeen xeradooda militari.

Ku dhawaad 30 argagaxisada Ashabaab ayaa isku dayay in ay cagtamariyaan xerada militari ee halkaa dhacda, hayeeshee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa jab u gaystay.

Ma jirin cid ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo wax ku noqatay weerarkaa. Tan ayaa waxay tusaale cad u tahay sida awoodda isdifaacidda Ciidanka Xoogga u sii kordhayso marka loo eego dagaalka ay kula jiraan argagaxisada Alshabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -