Xubno sar sare oo katirsan Qoyska Boqortooyada Sacuudiga oo la xiray

Warbaahinta Caalamka kuwooda ugu afka dheer ayaa tabiyay in xabsi la dhigay xubno katirsan Qoyska Boqortooyada Sacuudiga, waxaana xariga xubnahan la sheegay in uu ka dambeeyo Amiir Maxamed Bin Salman.

Wargeyska New York Times ee kasoo baxa dalka Mareykanka ayaa baahiyay in la xiray nin la dhashay Boqor Salmaan iyo sidoo kale nin kale uu adeer u yahay Boqorka, waxaa sidoo kale xabsiga la dhigay nin sadexaad oo qoyska reer Boqor katirsan.

Sida uu qoray Wargeyska amarka xariga Amiir Ahmed bin Abdulaziz, boqor Salman iyo Amiir Mohammed bin Nayef waxaa bixiyay dhaxa sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salman .

Wali lama oga dambiga rasmiga ah ee loo xiray xubnahan katirsan qoyska Boqortooyada Sacuudiga, waxaana ay wargeysyada arintan ka hadlay qaarkood sheegeen in Amiir Maxamed xubnahan ku eedeeyay khiyaano.

Dhaxal sugaha Sacuudiga ayaa sidan oo kale labo sano kahor u xir xiray xubnaha katirsan qoyska Boqortooyada Sacuudiga iyo maalqabeeno waa weyn oo u dhashay Sacuudiga si uu u muujiyo awoodiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -