Puntland oo shacabka ugu baaqday in aysan ka wal walin shirka ka furmaya Garawe

Waxaa lagu wadaa in 15-ka bishan magaalada Garawe in uu ka furmo shir loogu magac daray Shirka Wada-tashiga Puntland, waxaana shirkan lagu casuumay kana soo qeyb galaya masuuliyiin iyo siyaasiyiin kala duwan.

Wasaaradda arrimaha gudaha maamul goboleedka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sheegay in shirka ka furmaya magaalada Garawe uu yahay shir wax u tar u leh dadka reer Puntland.

Wasiir Dhabancad ayaa ugu baaqay shacabka Puntland in aysan ka walwalin shirkan ka furmaya magaalada Garawe ee looga tashanayo aayaha Puntland iyo nidaamka dowladnimada Soomaaliya.

”Waxaana dadka ugu baaqayaa in aysan ka walwalin shirka 15-ka bishan ka furmaa Garawe, yaanan laga hor dhicin shirka aan sugno naiijada kasoo baxda iyo waxa uu kusoo dhamaado” ayuu yiri Wasiirka arimaha gudaha Puntland.

Shirkan ka furmaya magaalada Garawe ayaa kusoo aadaya xili Khilaaf xoogan u dhaxeeyo maamulka Puntland iyo dowlada federaalka, waxaana dadka taageersan dowladnimada Soomaaliya shirkaasi ku tilmaameen mid lug gooyo ah .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -