Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Madaxweyne Qoorqoor oo la kulmay Wasiiro & Xildhibaano ka tirsan DF (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa xalay kulan casho ah la yeeshay hay’adaha u xilsaaran dhammeystirka Dastuurka KMG, oo shalay gaaray Magaalada Dhusamareb.

Munaasabaddan casho sharafta ah oo ka dhacday aqalka Madaxtooyada, Waxaa goobjoog ahaa; Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug, Guddoonka Golaha Barlamaanka, iyo xubana kamid labada Gole ee DGGM.

Munaasabadaan oo si hufan loo soo agaasimay waxaa kasoo qeyb galay; Wasiirka Wasaaradda Dastuur JFS, Guddoomiyaha Guddiga la socodka, dib-u- eegista iyo hirgelinta dastuurka, iyo Guddiga Madaxabannaan ee dib u eegista dastuurka.

Hay’adaha Dastuurka ayaa Maalmaha ay joogaan Dhuusamareeb, la tashi la yeelan doona hay’adaha dowliga ah iyo laamaha kala duwan ee bulshada iyagoo ka dhageysan doona taladooda iyo aragtidooda ku aadan dib u eegista dastuurka qabyadaha ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Somaliland oo isaga baxay Deegaanka Tukaraq iyo Dad faraxsan oo isugu soo baxay

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay Waddo laami cusub oo isaga loogu magac-daray (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowladda oo Shaacisay in la dilay Horjooge katirsan Al Shabaab oo si weyn loo raadinayay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---