Yaa qaadaya Masuuliyada khasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay Dhuusomareeb ?

Magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug maalmo kahor waxaa ka dhacay dagaal saacado badan socday oo dhax maray ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa kooxda Ahlu Sunna.

Dagaalka waxaa ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dhinacyadii ku dagaalamay magaalada Dhuusomareeb iyo sidoo kale dad shacab ah oon waxbo galabsan.

Dagaalka ayaa markii dambe istaagay kadib markii ay is dhiibeen kooxda Ahlu sunna ee dagaalka la gashay ciidanka dowlada, waxaana guud ahaan magaalada la wareegay ciidanka dowlada halka kuwii Ahlu sunna hubka laga dhigay.

Hogaamiyihii Ahlu Sunna ayaa markii uu is dhiibay kadib loo ogolaaday in uu ka baxo magaalada Dhuusomareeb uuna aado dhinaca Puntlannd, halka wali magaalada Dhuusomareeb joogaan Sheekh Shaakir iyo xubno kale oo katirsan Ahlu Sunna.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa Madaxtooyada Dhuusomareeb kula kulmay saacado kadib hogaamiyaasha Ahlu Sunna ee is dhiibay , kulankaas ayaana dad badan layaab ku tilmaameen maadaama dad dambi galay Madaxtooyo lagu oo dhaweeyay.

Waxyaabaha layaabka leh ee la isweediimayo ayaa ah in Madaxweynaha Galmudug iyo Hogaanka Ahlu Sunna kulmeyn iyaga oo faraxsan oo qoslaya halka magaalada ay yaaleen meydadka ciidamo kala taabacsan labada dhinac ee kulmay iyo dda shacab ah.

Waxaa hada la isweediinayaa maadaama magaalada Dhuusomareeb ka dhacay dagaal dhiig ku daaday yaa qaadaya masuuliyada shacabkii iyo ciidankii wax ku noqday maadaama yasan wali jirin cid loo xiray dagaalkaasi ama hada lagu eedeenayo.

Shacabka Dhuusomareeb ayaana dalbaday in la helo cid qaadata masuuliyada waxii ka dhacay magaalada ama dowlada ama Ahlu Sunna, waxaana xusid mudan in Ahlu Sunna oo dagaalka sababta u aheyd aysan hada qabin wal wal ku aadan in loo raacdo waxii dhacay.

Maamulka Galmudug uu hogaamiyo Madaxweyne Qoor Qoor ayaa kaliya guul u arka in awoodii Ahlu sunna meesha ka baxdo, mana jiro wax talaabo ah uu maamulka qaaday oo ka aadan dagaalkii dhacay iyo cida masuuliyadeeda qaadeysa dhibaatadii ka dhalatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -