Hub laga boobay xerada Imaaraadka oo lagu arkay Suuqyada Muqdisho (Daawo Sawirro)

Sida ay qortay wakaalada wararka ee Reuters ugu yaraan 600 oo hub ayaa laga xaday todobaadkii hore xeradii imaaradku ay ku tababarayeen Ciidamada Dowladda Federalka Soomaaliya ee General Gorod taa oo ku taala Dagmada Hodon Ee Gobalka Banaadir.

Hubka la xaday oo suuqa lagu kala iibsaday ayaa waxa uu  isugu jiraan qoryo cusub oo AK47 Ah iyo qoryo fudfud oo dowladda Shiinaha ay soo saartay, waxaana xerada ka soo saaray oo banaanka ku iibinayay ciidamada Dowladda Federalka Soomaaliya oo Imaaradka ka helay tababarada Military, saddex qof oo soo iibsaday hubkaasi sharci darrada ah ayaa la hadlay wakaalada wararka ee Reuters.

Wakaalada Reuters ayaa aragtay  Shaqsiyaad soo iibsaday hubka, kuwaa oo sheegay in ciidamada ay ka soo gateen, waxaana ay si yasmo ku jirta u sheegeen in hubka ay ka soo iibsadeen ciidamada dowlad isku sheegga.

Khabiir dhanka hubka ah ayaa sheegay in arintan ay salka ku heyso khilaafka labada dale e Imaaradka Iyo Soomaaliya.

“ ku dhawaad 600 ilaa 700 oo ah qoryaha  AK-47 iyo qoryo kale ayaa laga soo xaday xeradii Tababarka Imaaradka intii ay socotay  israsaaseen u dhaxeysay ciidamo kawada tirsan Dowladda” sidaasi waxaa sheegay Jaamac Cali oo kamid ah dadka hubka iibsaday islamarkaana la hadlay Reuters.

Cali ayaa sheegay in hubka uu ku iibsaday 700$, waxaana uu xusay in qiimo dhimis loo sameeyay marka loo eego qiimaha uu hadda joogo Qorayga AK47-ka oo ah 1,350$, waxaana shaqsiyaadkii qoryaha ka gatay ciidamada Dowladda ay sii iibinayeen 1,000$, sida uu hadalka u dhigay cali oo u waramay wakaaladda Reuter.

Xasan Abuuja oo isna kamid ah dadka hubka iibsaday ayaa yiri “ maalinta ugu wanaagsan ee hubka laka iibsan karo waa marka ciidamada dowladda dhexdooda ay is dagaalayaan, waxaana uu sidoo kale tilmaamay in qiimaha hubka iyo rasaasta ay ahaayeen kuwo qaali ah markii hore.

Ciidamada Tababarka ka helay Imaaradka ayaa bilaabay in ay hubka ka xadaan xeradii lagu tababaray oo saraakiishii Imaaradku ka baxeen iyagoo joojiyay howlihii tababar , ciidamada ayaa si toos ah iyo si suuq madoow ah ku iibinaya hubka oo  dalka ay soo galisay dowladda Isutaga Imaaradka Carabta.

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka General Cabdi wali Jaamac Gorod  oo isniintii la hadla wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa  sheegay in ciidamo doonayay ineey la baxaan hubka in gacanta lagu dhigay halka qaarkoodna ay baxsadeen kadib dagaal dhexmaray ciidamada Militray-ga iyo kuwii imaaradku tababareen isagoo xusay in baaritaano kadib la horkeeni doono cadaaladda.

Ciidamada Tababarka ka helay Dowladda Imaaradka ayaa hadda hadda loogu yeero ciidamada Mucaaradka.

Dad deegaanka ah oo  ka ag dhaw xaruntii ciidamada Imaaradku ku tababaray ayaa sheegay in Ciidamadu ay iska badalayeen Dareeska ciidan iyagoo hubka ku rarayay mootada saddex lugooleyda ama Bajaajta waxaana qoryahooda ay u saarnaayeen dhabta.

Habeenimadii Axadda aheyd ee Todobaadkan Markab ku laga leeyahay Imaaradka ayaa dekadda Muqdisho ka shareecday kaa oo lagu daabulay qalabkii yiilay Xaruntii Imaaradku ku tababaray Ciidamada Dowladda, Kunteenaro hub ah, tobanaan kamid ah gawaarida gaashaaman iyo boqolaal gawaari ayaa lagu daabulay markab Imaaradka ugu xernaa Dekadda Muqdisho, sida wakaaladda Reuters uu u sheegay Shaqaale dekadda Muqdisho ka howlgala.

Dowladda Imaaradka ayaa soo afjartay barnaamijkoodii tababarista ciidamada dowladda 15-kii April  xili maalmo ka hor ciidamada Amaanka Dowladda Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen malaayiin doller oo imaaradku ka soo dejiyay garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Soomaaliya Iyo Imaaradka ma doonayaan xal deg deg ah oo lagu xaliyo khilaafka u dhaxeeya, sidaasi waxaa yiri Rob Malley oo ah Madaxa Kooxda Dhibaatooyinka Caalamka

By: Abdiaizz Hassan Ibrahim (Loyal)
Abdiazizh99@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -