Al-Shabaab oo War kulul ka soo saartay duqeymaha Maraykanku ka wado Somalia

Al-Shabaab ayaa war kulul ka soo saartay duqeymaha ciidamada Maraykanku ka wadaan Soomaaliya gaar ahaan deegaanada ay shabaabku ka taliyaan.

Qoraal ka soo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in duqeymaha maraykanka intooda badan lagu gumaado dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

“Mudooyinkii u dambeeyay, iyadoo ciidamada Maraykanka ku andacoonayaan marmarsiyo waxba kama jiraan ah oo ah la dagaalanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxay sii xoojiyeen howlgallada wuxuushnimada ah ee ay ku beegsanayaan dadka shacabka ah ee aan hubeysneyn, kuwaas oo ka dhacaya bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, waxaana ciidamada Maraykanka ay dadka deggan baadiyaha iyo magaalooyinkaba ku argagax gelinayaan duqeymaha aan loo meel dayin iyo weerarada habeen dheelmadka ah” ayaa lagu yiri qoraalka Al-Shabaab.

Qoraalkan Al-Shabaab ayaa sheegtay in cadeymo badan loo hayo khasaaraha dadka shacabka ah ka soo gaara weerarada ciidamada Maraykanka.

“Inkastoo ay jiraan cadeymo cad cad iyo warbixinno madax banaan, oo ka marqaati kacaya falal dembiyeeyada uu Maraykanku ka geysanayo Soomaaliya sanadihii lasoo dhaafay, hadana Saliibiyiintu kama zuulin iney si xishood la’aan ah uga been sheegaan gabood fallada ay ku kacayaan, taasoo banaanka soo dhigtay heerka uu gaarsiisanyahay taag daridooda iyo inay waayeen akhlaaqda iyo hufnaanta toona” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka al-shabaab.

Sida lagu sheegay qoraalka Al-shabaab ciidamada Maraykanka waxay ku marmarsiyoodaan iney baaritaan sameynayaan marka la soo weriyo in duqeymahooda ay ku dhintaan dad shacab ah.

“Marka lasoo wariyo iney jiraan duqeymo ay dad shacab ah ku waxyeeloobeen, waxay Saliibiyiinta Africom kusoo jawaabayaan war saxaafadeed horay loo sii diyaariyay oo ay ku inkirayaan in dad shacab ah ay wax ku noqdeen howlgallada ay fuliyaan, iyagoo ballan qaadaya iney baaritaanno sameyn doonaan mana jiro hal baaritaan oo ay sameeyeen, Saliibiyiintuna waxay sii wadeen iney gantaallada la dhacaan dadka muslimiinta ah ee ku nool Soomaaliya, iyagoo daadinaya dhiiga dad horleh oo aan waxba galabsan” ayaa lagu sheegay qoraalka.

Waxay sheegtay Al-shabaab in weerarada Maraykanku ka geysanayo Soomaaliya loo fuliyo si aan kala joogsi lahayn, aysana jiro liis koobaya fal dembiyeedyada uu ku kacayo Maraykanka oo ay ka mid tahay in caruurta uu ka qafaasho goobahooda waxbarashada, duqeeyo xarumaha caafimaadka, qaysas dhan uu xasuuqo, islamarkaana dilo hooyooyinka, caruurta, odayaasha Qabaa’ilka, iyo jariimooyinka kuwaas lamidka ah ee uu kula kacayo Muslimiinta sida warka loo dhigay.

“Marka loo eego matkabka Tirakoobka ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, inkabadan 82.7% howlgallada milliteri ee uu Maraykanku fuliyay 34-tii bilood ee lasoo dhaafay, wuxuu ku beegsaday dad shacab ah oo haba yaraate wax xiriir ah la lahayn Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, dadka ku dhintay howlgalladaas waxay ahaayeen dad beeralley ah, waxayna tirada guud ee dadka dhintay ka yihiin 37%, waxaa ku xiga dumarka iyo caruurta oo tirada guud ka noqonaya 24.1%, halka dadka reer baadiyuhu yihiin 21.4%” ayaa lagu yiri qoraalka al-shabaab.

Qoraalka ayaa lagu soo gebagebeeyey sidan:-

“Maraykanku waa inuu ogaadaa in bariga Africa ay joogaan halyeeyo ka mid ah umadda muslimka ah, oo lamid ah geesiyadiifuliyay duulaannadii Bellidoogle iyo Manda Bay, diyaarna u ah, isla markaana u hilow qaba iney naftooda u huraan sidii loo joojin lahaa collaada uu Maraykanku ku hayo umadooda, loona ilaalin lahaa nolosha iyo karaamada walaalahooda muslimiinta, Allaah ayaana mowlaheena ah, isaga ayaana na xifdinaya, wuxuuna noo yaboohay inuu libinta naga siin doono gaalada”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -