Allbanaadir.com
NEWS

Rooble oo mar kale ka hadlay kiiska Ikran Tahliil amar cusubna siiyay Maxkamada Ciidamada

Ra’isul Wasaaraha  Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhaw hadal kooban ka jeediyay hoolka ay ka socoto  munaasabada hadal jeydinta Musharaxiinta u taagan kuraasta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Rooble ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in maanta la guda galayo doorashada xubnaha Aqalka sare ku matalaya Gobolada Waqooyi, waxa uuna ugu baaqay ergada wax dooraneysa in cadaalada ka shaqeeyaan ayna wax tar ku doortaan xubnaha matalaya.

Ra’isul Waaare Rooble oo ka hadlay kiiska dilka Ikraan Tahliil ayaa sheegay in uu u taagan yahay cadaalad u hedelida gabadhaasi la dilay, waxa uuna sheegay in rajo badan ka qabo in gacanta umada Soomaaliyeed soo galaan kuwii dhibka u geestay Ikraan Tahliil.

”Shacabka Soomaaliyeed waxaa markasta u xaqiijinayaa in aan mar kasta u taaganahay cadaalada, gabadheena Ikraan Tahliil cadaalad wey heleysaa ,kuwii dhibka u geestayna ama maanta aan helno ama beri aan helno insha Allha gacanta shacabka Soomaaliyeed waa soo galayaan waana lala xisaabtami doonaa ,” ayuu yiri Rooble.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaana faray Maxkamada ciidamada qalabka sida in si deg deg ah u bilaabaan howlaha baarista kiiska Ikraan Tahliil si cadaalad loogu helo gabadhaasi sharcigana loo horkeeno kuwii dhibka u geestay.

”Qalbigiina kheyr u sheega, Maxkamadda Milateriga ayaa loo xilsaaray, go’aankeeda ayaa sugeynaa, dhammaan howlaheeda inay wadato ayaa raieynayaa horayna waa u faray, haddana waa farayaa sida ugu dhaqsiyaha badan u bilowdaan, cadaaladaas ayaa na wada deeqdo” ayuu yiri Rooble

R/W Rooble ayaana sheegay in xaalada dalka hada uu marayo meel fiican uuna dalku galay xaalad doorasho, waxa uuna xusay in ay jiraan khilaafaad balse uusan aheyn wax weyn, isagoona tilmaamay in wax walbo ka muhiimsan yihiin xasiloonisa in lawada ilaaliyo .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/ptNXgLsgioE

Related posts

Saddex qodob oo looga hadlay Shirkii Golaha wasiirada Xukuumada Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Ruushka oo sheegay hal sabab oo keeni karta inuu adeegsado hubka Nuclearka

Caydiid Ali

Isbedalka Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo waxyaabaha dahsoon ee ku xeeran !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---