Puntland oo si kulul uga hadashay dagaaladii ka dhacay Guriceel iyo Dhuusamareeb

Maamulka Puntland ayaa ku tilmaamay nasiib daro weyn dagaalkii Ciidamada dowladda Soomaaliya ku qaadeen Xaruntii Ahlusunna ee magaalada Dhuusamareeb oo ugu dambeyn ay la wareegeen.

Wasiirka Arrimaha gudaha maamulka Puntland Maxamed Cabdiraxman Dhabancad ayaa sheegay in Puntland ay ka xun tahay waxa ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb.

Waxa uu sheegay in dhacdadan ay astaan u tahay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay dagaal kula jirto dagaal Nidaamka faderaalka ah ee dalka qaatay, isla markaana Puntland aysan u dulqaan doonin.

“Waa nasiib-darro in dowladda federaalka ahi xoog u adeegsato bur-burinta dowladihii qayb-ta ka ahaa nidaamka federaalka ee dalku qaatay, waa xoog sheegasho waxa ka dhacay Galmudug” ayuu yiri Wasiir Dhabancad.

Dagaaladii shalay illaa saaka waaberigii ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ku dhintay dad badan oo isugu jira shacab iyo askarta labadii dhinac ee dagaalamayay, waxaana dowlada isku dhiibay madaxdii sare ee ahlu sunna.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -