Qoorqoor oo gaaray Baydhabo & Xog ku aadan ujeedka safarkiisa (Sawirro)

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta ku meelgaarka ah ee Dowladda Koofur Galbeed.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Shaati Guduud  waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Dowladda Koofur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Qoorqoor ayaa qeyb gali doona Munaasabadda sanad guurada  3aad ee markii la doortay Madaxweyne  Cabdicasiis Xassan Maxamed (Lafta-Gareen).

Ra’iisul Wasaaraha  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble  iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa sidoo kale shalay gaaray magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka  Koonfur Galbeed si ay munaasabada uga qeyb galaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -