Madaxda Qaranka oo boqolaal shacab ah masjidka Isbaheysiga kula tukaday salaadii Ciidul fitriga (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo xubno kale oo ka tirsan labada Gole ee dowladda iyo saaka boqolaal dadweyne aad u fara badan salaaddii ciidda kula tukaday masjidka Isbaheyga Islaamka ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee nabad sugida iyo kuwa AMISOM ayaa lagu daadiyey min madaxtooyada illaa nawaaxiga masjidka Isbaheysiga Islaamka, si ay u xoojiyaan amaanka madaxda dowlada ee masjidkaas ku tukaneysay, waxaana dhowr meelood si adag loogu baarayaey dadka masaajidka galaya

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareyay munaasabadda 1-da bisha Shawaal ee ah maalinta koowaad ee ciidda, waxaana uu Madaxweynuhu xusay in maanta oo kale Ummadda looga fadhiyo in ay isu gurmadaan, oo ay caawiyaan walaalahood Soomaaliyeed ee aan awoodin in carruurtooda ay carruurta kale kala qeyb qaataan farxadda Ciidda.

Farmaajo oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay Masjidka Isbaheyga Islaamka ayaa hoosta ka xariiqay in maanta oo kale shacabka looga baahanyahay inay u istaagaan dib u heshiisiinta iyo in Shacabku ay isa saamaxaan oo ay u istaagaan ka shaqeynta midnimadooda.

Boqolaalkii dadweyne ee ku tukaday Masjidka  Isbaheyga islaamka ayaa isugu hambalyaynayay maalinta koowaad ee cidda, maadaama ay u soo dhamaatay bishii barakeysneyd ee Ramadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -