Dowlada Somalia oo deeq ku wareejisay Maamul goboleed aysan aqoonsaneyn

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee xukuumada Somalia ayaa labo Baabuur oo loogu tala galay Kormeerada Dugsiyada iyo ka qeyb qaadashada Horumarinta waxbarashada ku wareejisay Wasaaradda Waxabarashada Jubbaland.

Baabuurtan ayaa waxay qeyb ka ahaayeen 11 baabuur oo ay ku deeqday mashruuca Iskaashiga caalamiga ah ee Waxbarashada (Global Partnership for Education).

Agaasimaha xiriirka Gobalada iyo Hey’adaha ee Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare Abdinur Ahmed Jamac ayaa ku wareejiyay Wasaaradda Waxbarshada jubbaland labadaasi Baabuurta, waxaana ka gudoomay Wasiir ku xigeenka ahna ku simaha Wasiirka Waxabarshadda Jubbaland.

Agaasimaha xiriirka Gobalada iyo Hey’adaha ee Wasaaradda Waxbarashada Abdinur oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Baabuurtaan ahmiyad ay u leedahay Horumarinta waxbarashada dalka, islamarkan waxa ay qeyb muhiim ah ka qaadan kartaa daba-galka iyo kormeerka Waxbarshada.

Dowlada Somalia ayaa horey u sheegtay ineysan aqoonsaneyn maamulka hadda ka jira Jubbaland ka dib markii ay qaadacday doorashadii sanadkii hore ka dhacday magaalada Kismaayo ee uu ku soo baxay Madaxweyne Axmed Madoobe, waxaana sii xumaanayey xiriirka labada dhinac bilooyinkan dambe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -