Wararkii ugu dambeeyey dagaal ka dhacay degaanka Dhoobley & khasaare ka dhashay

Dagaal culus ayaa xalay ka dhacay degmada Dhoobley oo ku taalla xadka gobolka J/hoose uu la wadaago Kenya kaasoo dhexmaray ciidamada daraawiishta Jubbaland iyo xoogag taabacsan Al-shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu bilowday markii dagaalyahano hubeysan ay weerar ku qaadeen goobo ay saldhigyo ku leeyihiin ciidamada daraawiishta Jubbaland.

Dagaalka ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ku jireen madaafiic hoobiyeyaal ah, kuwaasoo gaaray goobo ka baxsan halka lagu dagaalamay, iyadoo dadka degaanku sheegeen iney cabsi badan la soo deristay.

Saraakiisha Jubbaland ayaa sheegay in Ciidanka Daraawiishta ee jooga Dhoobley ay iska caabiyeen xalay weerar ay Al-Shabaab ku soo qaadeen Dugsiga Tababarka ee Dhoobley.

“Ciidanka Jubbaland oo qabay foojignaan dheeraad ah ayaa jilibka u aastay argagixisadda iyagoo markii dambe dhabarka ka jabiyay, Ilaa hadda miyiga fog ee Dhoobleey waxaa ay ciidanka Jubbaland ku daba jiraan haraadigii argagixisadda ee weerarka soo qaaday kuwaasoo goobta ka qaatay dhaawac iyo maydad,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada Jubbaland.

Al-shabaab kama hadlin dagaalkan, mana jiraan warar madax banaan oo ka hadlaya khasaaraha ka dhashay iyo sida uu dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -