(Akhriso) Amar cusub oo lagu soo rogay Dalladaha Waxbarashada & Iskuulada dalka

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay amaro ku socda Dalladaha Waxbarashada, Maamul goboleedyadda iyo Dugsiyadda waxbarashada dalka

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xilligaan wixii ka dambeeya ay soo saareen nidaamka Waxbarashadda oo ay guud ahaan dugsiyadda dalku xogta ku soo gudbinayaan (Online Database).

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa u qornaa sidan:-

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxay la socodsiinaysaa dhammaan bahda waxbarashadda oo ay ugu horeeyaan Dalladaha Waxbarashada, Maamul goboleedyadda iyo Dugsiyadda waxbarashada dalka.

In wasaaraddu soo saartay nidaamka Waxbarashadda oo ay guud ahaan dugsiyadda dalku xogta kusoo gudbinayaan(Online Database).

Sidoo kale Nidaamkan waxaa kuwada shaqayn doona bahda waxbarashada guud ahaan.
Wasaaraddu guud ahaan waxay joojisay in dugsi laga soo qaado warqado ama foomam arday leeyahay oo sanadaddii tagay la isticmaali jiray.

Wasaaraddu Dalladaha waxay ka sugaysa Tix ama Liis arday oo shaabadaysan oo dugsi dugsi u xiran.

Waxaa nidaamkan lagu bilaabay Gobolka Banaadir oo ilaa hadda 75% dugsiyadu si wanaagsan u wadaan shaqada.

Fiiro gaar ah: Ma jiri doono hal arday iyo hal dugsi oo ka maqnaan doona Nidaamka cusub. Kaliya dugsiyada ayaa kala horeeya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -