Allbanaadir.com
NEWS

(Daawo Sawirro) Muuse Biixi oo loo caleemo saaray Madaxweynaha cusub ee Somaliland

Madaxweynaha cusub ee Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xilka loo dhaariyay, iyadoo Xafladda dhaarinta Muuse Biixi Cabdi iyo ku xigeenkiisa Cabdiraxman Saylici ay ka qayb geleen wufuud ka kala timid dalalka ee Bariga Afrika iyo wakiilada beesha caalamka.

Wafdi ka socda jamhuuriyadda Jabuuti ayaa ah wafdiga ugu ballaaran ee ka qeyb galay xafladan kuwaasoo dhamaa 38 ruux, waxaana hogaaminayay wasiirka difaaca Cali Xasan Bahdoon.

Waxaa kaloo jira wafdi ka socda dalka Itoobiya oo uu hogaaminaayo Madaxweyne ku xigeenka Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdixakiim Cigaal Cumar, oo ay ku jiraan madax dhaqameedyo uu ka mid yahay Ugaas Musdafe Maxamed Ibraahim oo ah ugaaska guud ee beesha Ciise.

Waxaa xafladdan xilwareejinta wufuudda ka qeyb gashay ka mid ah wafdi ka socda urur goboleedka bariga afrika ee IGAD iyo danjireyaal reer Galbeed ah oo qaarkood fadhigoodu yahay Nairobi.

Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyay Xaflad lagu Caleema saarayey ayaa ugu horeyn ka hadlay Xaaladda Degaanada Somaliland, waxaana uu u Mahad celiyay Musharaxiintii kula tartamay xilka Madaxweynaha Somaliland.

Muuse Biixi ayaa sidoo kale sheegay in xafladda lagu Caleema saaray ay ka soo qeyb galeen Saddex ka mid ah shanta Soomaaliyeed oo kala ah Jabuuti, Soomaali Galbeed iyo Somalida Kenya ee NFD, balse ay ka maqan tahay Muqdisho sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna intaas ku daray in daruufaha jira ay suurta gelin waayeen inay Midoobaan Somalia iyo Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay weerarkii ka socday Hotelka Xayaat iyo sida hada xaal yahay

Cabdi Cade

Wasiirka Amniga iyo taliyaha booliiska oo looga yeeray golaha Shacabka (Akhriso)

Cabdi Cade

Aadan Madoobe oo la kulmay Safiirada Imaaradaka iyo Masar u jooga Soomaaliya (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---