Haweeney Ninkeedii hore Dhaawac culus gaarsiiyay oo Muqdisho laga qaaday (Daawo Sawirada)

Waxaa manta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga sagootiyay haweeney dhaawac culus uu gaarsiiyay askari katirsan ciidanka dowlada Soomaalia sidoo kale horey u kala tageen haweeneydan dhibanaha ah.

Amaal Maxamuud Maxamed waxaa dhaawac culus gaarsiiyay ninkeedii hore oo ah askari katirsan ciidanka dowlada, waxaana haweeneydan dhaawaca soo gaaray mudo dheer la jiiftay kadib markii ay qooskeeda awoodi waayeen in dibadda daaweyn ugu qaadaan.

Gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ibraahim Cumar Mahadale (ibraahim dheere) ayaa gabadhan dhibaha u gurmaday isagoona u suurto galiyay in loo qaado dalka Turkiga sidoo kale siiyay dhaqaalo badan oo ku baxaya daaweynteeda iyo nolosheeda.

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde waxaa manata gabadhan dhibanah aha kasii sagootiyay Ibraahin Dheere iyo masuuliyiin kale oo katirsan maamulka Gobolka Banaadir, waxa ayna gabdhan dhaawacan u rajeeyeen caafimaad qab.

Amaal Maamuud ayaa sheegtay in dhaawaca culus uu gaarsiiyay aabaha wiil ay dhashay, waxa ayna sheegtay gabadhan in wax laga qaban waayay askariga dhibkan xoogan gaarsiiyay oo horey u kala tageen dartiisna wali sariirta u saaran tahay .

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -