Wariye iyo labo Sargaal oo katirsan Al Shabaab oo Xukuno adag lagu riday (Daawo Sawirada)

Maxkamada darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukuno kala duwan oo xabsi ciidan ah ku riday sadex nin oo lagu eedeeyay in ay katirsan yihiin dagaalyahanada Al Shabaab.

Xasan Luqmaan Xuseen Ibraahim oo loo yaqaan Tabliiq ayaa maxkamada ciidamada sheegtay in uu xubin ka ahaa Al Shabaab, waxaana maxkamada sheegtay in ninkan uu ahaa Wariye katirsan Al Shabaab kana shaqeenayay mid kamid ah Warbaahinta kooxdaasi.

Maxkamada Ciidamada ayaa sheegtay Xasan Luqmaan ciidamada amaanka kasoo qabteen Degmada Howladaag , waxa uuna ninkan Maxkamada kahor qirtay in uu ahaa Wardoon katirsan Al Shabaab uuna inta badan gudbin jiray xogaha ganacsiga Suuqa Bakaaraha.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa Xasan Luqmaan ku riday 8-sano oo xabsi ciidan ah, waxa uuna gudoomiyaha sheegay in uu racfaan ka qaadan karo Xasan Xukunka lagu riday.

Dhinaca kale Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa xukkun mid 10-sano oo xabsi ah ku riday Cabbduqaadir Suufi Muunye  & Saciid Cumar Cabbdullaahi, labadan nin ayaa lagu eedeeyay in Al Shabaab wakiil uga ahaayeen deegaanka Mareereey ee degmada Afgooye.

Labadan nin ee Xukunka lagu riday ayaa ciidamada amaanka Soomaaliya waxa ay kusoo qabteen howlgalo kala duwan ay ka sameeyeen Degmooyinka Wardhiigley iyo Dharkeenley ee gobolka Banaadir.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa marar badan xukuno kala duwan oo isugu jira dil iyo xabsi waxa ay ku riday xubno la sheegay in ay katirsan yihiin dagaalyahanada Al Shabaab .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -