Kala furfur lagu bilaabay ciidanka PSF iyo Wararkii ugu dambeeyey xaalada Boosaaso

Maamulka Puntland ayaa bilaabay talaabooyin lagu kala furfurayo ciidanka PSF oo taliskooda uu weli diidan yahay inuu aqbalo xil-qaadista uu ku sameeyey Madaxweyne Deni.

Ilo Xog-ogaal ah ayaa sheegaya in ciidamada PSF loo kala furfurayo qaab qabiil, iyadoo aysan ka marneyn adeegsiga dhaqaalaha.

Qeyb ka mid ah ciidanka oo heyb ahaan ka soo jeeda magaalada Garoowe ayaa la sheegay iney u wareegeen dhinaca Madaxweyne Deni, waxaana arrintaas ka shaqeeyey mas’uuliyiin ay ka mid yihiin wasiirka Maaliyada Puntland Xassan Shire iyo hogaamiyaha kooxda Aaran-jaan  Maxamuud Shido.

Ciidamo ka ka soo jeeda degaanada gobolka Sool ayaa iyana la soo sheeegayaa iney qaarkood ka tageen PSF, waxaana ka shaqeeyey Wasiirka warfaafinta Puntland Timacadde oo sidoo kale dhowaan loo doortay Senator ka tirsan aqalka sare.

Ciidamada ka baxay PSF qaarkood ayaa la sheegaya inuu maanta qado u sameeyey taliyaha cusub ee Madaxweyne uu u magacaabay ciidankaas.

Taliyaha PSF ayaa weli diidan inuu xilka wareejiyo, iyadoo dhinaca kale Madaxweyne Deni uu ka hor yimid waanwaan ay wadeen salaadiinta beelaha si xal looga gaaro arrintan, loona baajiyo dagaal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -