Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Somaliland oo shaqada ka ceyrisay askari ku kacay fal dad badan ka careysiiyey (Daawo)

Taliyaha Booliska Somaliland ayaa sheegay inay talaabo ka qaadeen saddex Alifle Mahad Abdi Osman lagana ruqseeyey shaqada ciidamada ka dib markii uu qof dumar ugu gacan qaaday bartamaha suuqa magaalada Hargeisa.

Taliyaha ayaa sheegay inay boolisku yihiin saaxiibka bulshada aysana aqbaleyn ficiladan oo kale, waxaana arintan si weyn looga hadal hayaa magaalada Hargeysa

Muuqaal qarsoodi ah oo laga duubay askarigan oo u gacan-qaad iyo jirdil u geysanaya qof haweeney ah ayaa saacadihii la soo dhaafay si weyn u qabsaday baraha bulshada kaasoo si weyn uga careysiiyey dadkii daawaday, taasoo soo dedejisay in talaabo laga qaado askarigaasi.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA ASKARIGA OO GARAACAYA QOF DUMAR AH

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ilhaan Cumar oo xil sare looga magacaabay Aqalka Wakiiladda Mareykanka

Cabdi Cade

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo si kulul uga hadlay weerarkii Hotel Xayaat

Caydiid Ali

Dowadda oo qaaday tallaabo ay kusoo jiidaneyso dadka degan Masagawaa (Sawirro

Cabdi Cade
Taboola Ads ---