Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo si kulul uga hadlay weerarkii Hotel Xayaat

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antony Gueters ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii argagixiso ee lagu qaaday hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho 19kii Ogosto.

Wuxuu tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska dhibbanayaasha iyo sidoo kale Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu sidoo kale caafimaad degdeg ah u rajaynayaa inta dhaawaca ah.

Xoghayaha Guud wuxuu mar kale ku celinayaa in Qaramada Midoobay ay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed taageero kula garab taagan tahay dagaalka ay kula jiraan wax uu ugu yeeray argagixisada iyo socdaalkooda ku wajahan nabadda.

Dad ka badan 20 qof ayaa ku naf waayey, ku dhowaad 120 kalena wey ku dhaawacmeen weerar socday 24 saac ka badan oo dabley ka tirsan Al-shabaab ay ku galeen hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Dowladda Koonfur Galbeed oo muddo Tababar ku qaadanayey Magaaladda Baydhabo ee Gobolka Bay.

Related posts

Saciid Ciise: “Mucaaradka ayaa horseedaya dayacidda dalka iyo dhowrista Wadaniyada”

Caydiid Ali

Al Shabaab oo weerar culus ku qaaday Saldhig ciidan iyo jab xooggan oo…

Cabdi Cade

Nin Soomaali ah oo labo qof ku dhax dilay Gudaha Masjid kuyaala magaalada Cape Town

Cabdi Cade
Taboola Ads ---