Madaxweyne Deni oo Magaalada Boosaaso ka daahfuray bandhig weyn (Sawirro)

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaaladda Boosaaso ka Daah-furay Carwada Ganacsiga Puntland, Carwadan oo ah tii labaad ee nooceeda lagu qabto Puntland waxaa soo qaban qaabiyey Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha iyo Rugta Ganacsiga Puntland.

Daah-furka Carwada waxaa kasoo Qayb galay Masuuliyiinta Labada Golle ee Dowladda, Maamulka Gobolka Bari, Kan Degmada Boosaaso, Ganacsato, Isimo,Haweeen iyo Qurba Joog,Masuuliyiinta Rugta Ganacsiga Maamulada Dalka Qaar iyo Madax ka socotay Dowladda Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo khubad ka jeediyay furitaankii Carwada ayaa bogaadiyey Carwada, sida looga soo shaqeeyay iyo dhammaan dadka kasoo qeybgalay, Dowladda Puntland ayaa muhiimad siinaysa kor u qaadista Ganacsiga iyo maalgashiga dalka.

Carwada lagu soo bandhigayo Ganacsiga Puntland ayaa socon doonta muddo Saddex cisho, mudaddaasi oo dadku si furan ay uga dukaamaysan doonaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -