Wasiir Maareeye oo ka hadlay Wararka sheegaya booqashada Farmaajo ee Hargeysa

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka hadlay safarka la sheegay in Madaxweyne Farmaajo ku tagayo magaalada Hargeysa.

Maareeye ayaa sheegay inuusan ka war qabin safarka la isla dhexmarayo inuu Madaxweyne Farmaajo ku tagayo Hargeysa, uuna ku arkay oo kaliya baraha bulshada.

ā€œWax war ah kama hayo safarka la leeyahay madxweyne Farmaajo ayaa ku tegayo magaalada Hargeysa, wax intaas dhaafsana kama hayoā€ ayuu yiri Wasiir Maareeye oo ugu baaqay shacabka Somaliland inay ka faaā€™ideystaan fursadda hor taalla, isla markaasna isku dayaan inay la jaan qaadaan isbadalka siyaasadeed ee ka socdo Geeska Africa.

ā€œShacabka iyo madaxda Somaliland oo aan anigu kasoo jeedo Waxaan kula talinayaa inay iska daayaan buuqa oo la yimaadaan siyaasad iyo talo la jaanqaadi karta isbedelka siyaasadeed, Dhaqaale iyo amni ee ka socda Geeska Afrikaā€ ayuu yiri Wasiir Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Waxaa uu iswaydiiyey waxa ku jaban haddii Madaxweyne Farmaajo lagu soo dhaweeyo Hargeysa xitaa haddii ay Somaliland u aqoonsan tahay inuu yahay madaxweyne dal daris la ah.

ā€œMaxaa diidaya in Madaxweyne Farmaajo lagu soo dhaweeyo Hargeysa sida loogu soo dhaweyn lahaa madaxda dariska sida Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti, waana qofka ugu mudan ee Hargeysa lagu soo dhaweyn lahaaā€ ayuu yiri Wasiir Maareeye oo dhinaca kale ku eedeeyey Maamulka Somaliland inay muddo 28 sano ah isticmaaleyso siyaasad fadhiid ah oo aaney dan ugu jirin shacabka Somaliland.

HOOS KA DAAWO HADALKA WASIIRKA MAAREEYE

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -