Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Faah Faahino kasoo baxaya Dhaawac loo geestay Col. Cumar Warsame Ciise

Kooxo hubeesan ayaa maanta salaadii jimcaha kadib rasaas culus ku furay  Taliyaha Saldhiga Booliska Nuur Salaad ee magaalada Boosaso Col. Cumar Warsame Ciise, xili uu kasoo baxay masaajid uu salaada jimcaha kusoo dukaday.

Sida aan wararka ku helnay taliyaha ayaa dhaawac culus waxa uu kasoo gaaray rasaastii ay dableyda ku fureen, waxaa sidoo kale weerarka lagu qaaday taliyaha dhaawac uu kasoo gaaray qof shacab ah oo ku sugnaa goobta uu weerarku ka dhacay.

Ciidamada amaanka magaalada Boosaaso ayaa soo gaaray goobta lagu dhaawacay  Col. Cumar Warsame Ciise, waxa ayna ciidamada ku guul dareesteen in ay gacanta kusoo dhigaan kooxihii weerarka geestay.

Magaalada Boosaaso ayaa waxaa kusoo badanaya weerarada lagu qaado saraakiisha ciidamada Puntland, masuuliyiin iyo waxgaradka magaaladaasi, waxaana inta badan baxsada kooxaha weerarka fuliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Roobab lagu diirsaday, dhinaca kalena khasaare geystay oo ka da’ay Muqdisho (Daawo)

Caydiid Ali

Ilaalada Axmed Madoobe oo Dhoolo tus cajiib ah ku sameeyay Dhuusomareeb (Sawirro)

Cabdi Cade

Shiinaha oo Howlgal Milatari ka bilaabay Taiwan iyo Maraakiibta Dagaalka Mareykanka oo u dhaqaaqay Taiwan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---