Allbanaadir.com
DIINTANEWS

Dowladda oo beenisay in Shil diyaaradeed uu ka dhacay garoonka Aadan Cadde

Warbaahinta qaar ayaa saacadihii lasoo dhaafay baahiyay war sheegayay in shil diyaaradeed uu ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kaddib markii mid kamid ah shirkadaha diyaaradaha Soomaaliyeed la sheegay in lugaha u bixi waayeen.

Wasaaradda Gaadiidka Xukuumadda Soomaaliya ayaana warkaasi ay baahiyeen warbaahinta qaar ku tilmaantay mid been abuur ah, waxa ayna wasaaradu sheegtay in aysan jirin wax shil ah oo garoonka ka dhacay.

Agaasimaha warfaafinta u qaabilsan Wasaaradda Gaadiidka iyo Duuliista Hawada Maxamed Cabdi Cusmaan (Faradheere) ayaa been abuur ku tilmaamay warka la baahiyay, waxa uuna sheegay in aysan jirin habayaraatee wax shil ah oo garoonka ka dhacay.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa marar kala duwan waxaa ka dhacay shilal diyaaradeed, kuwaa oo sababay khasaaro soo gaaray inta badan diyaaradihii shilkaasi galay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) “Ma jirto meel ka dambeysa Rafax oo aan u qaxno” Shacabka Gaza

Caydiid Ali

Shixnadii saarneyd Doon ku caarisey xeebta Boosaaso oo laga dejiyey (Daawo Sawiriada)

Cabdi Cade

Haweeney Soomaali ah oo ka mid noqotay la taliyeyaasha Raisul Wasaare Justin Trudeau (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali