Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

G/Banaadir oo ka soo horjeestay qoraalkii ka soo baxay Wasaarada Waxbarashada (Akhriso)

Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka soo horjeestay qoraal shalay ka soo baxay Wasaarada Waxbarashada Somalia kaasoo lagu joojiyey lacago agaassinka waxbarashada gobolka uu ka qaado qeybaha waxbarashada gobolka sida ardayda, iskuulada iyo Jaamacadaha.

Qoraal ka soo baxay maamulka gobolka ayaa lagu sheegay in Wasaarada ay horey ugu wareejisay Maamulka gobolka hanaanka Waxbarashada gobolka Banaadir sidaas awgeedna aysan wasaaradu xaq u laheyn iney arrimahaas soo fara geliso.

Sidoo kale War-saxaafadeedka maamulka gobolka Banaadir ayaa sharci daro ku tilmaamay qoraalka wasaarada waxbarashada, iyagoo cuskanaya qodobo kala duwan oo la xiriira dastuurka iyo heshiisyadii ay horey u wada galeen labada dhinac.

Dagaalka iyo muranka ee u dhexeeya maamulka gobolka Banaadir iyo Wasaarada Waxbarashada Somalia oo muddo soo jiitamayey ayaa u muuqda md sii xoogeysanaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maraykanka oo dal Muslim ah ka saaray liiska dowladaha taageera argagaxisada

Caydiid Ali

Maxaa ka jira in Afhayeenka Al Shabaab Cali Dheere lagu dhaawacay Dagaalka Hiiraan ?

Cabdi Cade

Madaxweyne Trump oo markii ugu horeysay ka degay magaalada London (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---