Taliyaha Booliiska Soomaaliya oo shaaciyay in amniga dalka uu meel xun marayo

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Xijaar oo maanta hadal ka jeediyay kulan looga hadlayay isku xirka howlaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa shaaciyay in amaanka dalka uu xiligan meel xun marayo.

Waxa uu sheegay taliyaha in dalka amaankiisa uu hada sii xumaaday, waxa uuna tilmaamay in amniga dalka lagu soo duulay sidoo kale la bilaabay in la qarxiyo kaamirooyinkii amaanka ee wadooyinka Muqdisho lagu xiray.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan dad diidan horumarka iyo xasiloonida dalka, isagoona tusaale usoo qaatay qaraxyada lala eeganayo Injineerada Turkida ah ee dalka u jooga in ay wadooyinka dalka dhisaan.

”“Amniga dalka meel xun buu marayaa, amniga waa lagu soo duulay, kaamirooyinkii lagu xiro waddooyinka in la qarxiyo ayaa la gaaray, dalka horumarkiisa ayaa la diidan yahay, Injineerada waddooyinka dhisaya ayaa la qarxiyaaa, waxaa la diidan yahay ummadda inay xasisho”ayuu yiri Taliye Xijaar.

Generaal Xijaar ayaa sheegay in muhiim tahay wada shaqeynta ciidamada booliiska iyo hay’da socdaalka iyo jinsiyada Soomaaliya si looga hortago in dalka soo galaan dadka ka shaqeeya falalka amaan daro iyo xasilooni darada dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -