Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kooxo hubeysan oo dil qorsheysan ka geystay xaafad ka tirsan Muqdisho

Wiil dhalinyaro ah ayaa la sheegay in galabta xiligii qorax dhaca lagu dilay xaafada Siigaale oo ka tirsan degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa la sheegay iney rasaas ku fureen wiilkan dhalinyarada ah oo magacaiisa lagu soo gaabiyey Liibaan.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ragga dilka geystay ay goobta ka baxsadeen markii ay toogashada fuliyeen, iyadoo wiilkana uu isla goobta ku qur baxay.

Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn sababta loo dilay wiilkan dhalinyarada ah ayaa dadka degaanka qaarkood waxay sheegayaan inuu la shaqeynayey maamulka degmada Hodan.

Falkan ayaa ku soo beegmaya xili bilihii la soo dhaafay ay aad hoos u dhaceen dilalkii qorsheynaa ee ka dhici jiray magaalada Muqdisho taasoo laamaha amaanka dowladu sabab uga dhigeen iyadoo gacanta lagu dhigay inta badan shabakadihii fulin jiray dilalka qorsheysan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xukuno dil iyo Xabsi daa’in ah oo lagu riday rag dilal ka geestay Muqdisho

Cabdi Cade

War cusub oo ka soo kordhay Sarkaal la sheegay inuu isku dilay Muqdisho

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo eedeysay sii hayaha Wakiilka Midowga Afrika

Caydiid Ali
Taboola Ads ---