Janan oo shaaciyay qaabkii uu uga baxsaday Muqdisho iyo Cidii ku gacan siisay

Labadii sibuuc ee la soo dhaafay dowladda Soomaaliya ayaa sheegeysay inay dadaal ugu jirto sidii ay dib gacanta ugu dhigi lahayd wasiirkii Amniga ee maamul goboleedka Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur(Janan), kaasoo ay sheegeen inuu ka baxsaday xabsi lagu hayay.

Dad badan waxay su’aalo iska weydiinayeen sida ay ku dhacday in Cabdirashiid uu baxo faraha dowladda federaalka.

Janan, oo aan warbaahinta la hadlin tan iyo markii uu ka tagay Muqdisho, ayaa markii ugu horreysay BBC-da uga warramay qaabkii ay ugu suurtagashay inuu ka fakado xabsiga lagu ilaalinayay.

“Sida uu horayba sarkaal ka tirsan ciidamada asluubta Soomaaliya bulshada ugu caddeeyay, aniga xabsi la ima geynin. Markii garoonka diyaaradaha la iga qabtay, waxaa i qabtay niman boolis ah oo labisan iyo niman dharcad ah oo isla socda, mid ka mid ah dharcadka ayaana amrayay ciidanka”, ayuu yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu BBC-da u sheegay in xaafado caadi ah lagu hayay intii uu ku jiray gacanta ciidamada dowladda Federaalka.

“Markii la i qabtay kaddib waxaa la i geeyay xaafad aad u fog, oo markii dambe aan gadaal ka fahmay inay ahayd degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho. Muddadii shanta bilood ahayd ee la i hayay, maalinba waxaa la i geynayay guri xaafad ka tirsan ilaa ugu dambeyntii la i keenay guri ku yaalla xaafadda Shibis, halkaasoo aan muddo 7 cisho ah ku sugnaa.

Janan ayaa ka hadlay qaabkii loola dhaqmay intii gacanta lagu hayay.

“Aniga iyo niman askar ah oo dhowr iyo toban ah ayaa isla joognay xaafado ay dad shacab ah u dhisteen si gaar ah, halkaas ayaana la igu hayay. Runtii askarta gacanta igu heysay wax xumaan ah oo ka baxsan amarrada la siinayay oo ay ii geysteen ma jirin, laakiin waxaa jirtay xumaan farabadan oo amarro askartaas lasoo siiyay ah oo ay ku khasbanaayeen inay fuliyaan”.

Cabdirashiid Janan ayaa dhanka kale faahfaahiyay sababihii loo sheegay in loo xiray.

“Markii ugu horreysay waxaa la ii sheegay in sababta la ii xiray ay tahay dalab ku aaddanaa inaan dowladda Federaalka ku wareejiyo ciidamo 1000 askari ah oo daraawiish ah, laakiin ma aqbali karin arrintaas, balse aniga waxaan fahansanaa in la ii xiray arrimo ku saabsan doorashadii ka dhacday Kismaayo, waxaana la igula kaftamay in la iga daba keeni doono madaxweyne Axmed Madoobe”, ayuu yiri.

Hase ahaatee, dowladda Soomaaliya ayaa horay u beenisay in arrimo siyaasadeed loo xiray Janan, laakiin waxay shaacisay in loo heystay eedeymo ku saabsan tacaddi bani’aadannimo.

Markii aan weydiinnay su’aasha ku saabsan inuu ka warramo qaabkii uu ku baxsaday, Cabdirashiid wuu qoslay, wuxuuna ka bixiyay sharraxaad:

“Way jirtaa inaysan cidna i sii deynin, howl aan aniga isku xirxiray oo uu Rabbi ii fududeeyay ayaan kusoo baxsaday”, ayuu yiri.

Isagoo sii faahfaahinaya ayuu yiri: “Markii aan ogaaday inaan la i sii deyn doonin ilaa wax kasta oo ay dowladda federaalka rabto ay ka sameysato Jubbaland, waxaan go’aansaday inaan qorsheeyo sidii aan uga bixi lahaa gurigii la igu hayay, kaddibna shan boqol oo kiiloo mitir ayaan soo maray badda”.

“Markii aan baxay kaddib saddex maalmood iyo saddex habeen ayaan joogay Muqdisho. Waxaana ii suurtagashay inaan xilli maalinnimo ah soo raacay doon. Doonta waxaa ii waday niman Soomaaliyeed oo iyaga iska leh, cidna ima soo raacin oo kaligey baan ahaa”, ayuu yiri.

Janan ayaa ka gaabsaday inuu si cad u sheego magacyada dadkii garabka ku siiyay inuu baxsado.

Wuxuu si kooban u sheegay inay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda gacan ku siiyeen inuu baxsado.

Dhinaca kalena wuxuu beeniyay warar sheegayay in diyaarad milatari oo ay leedahay dowladda Kenya lagu geeyay magaalada Nairobi.

Wuxuu sheegay inuu hadda ku sugan yahay Buulaxaawo qorsheynaya inuu qabta degmoyin ka tirsan gobolka Gedo.

Xigasho: BBCSomali

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -