Dad looga shakiyay in ay qabaan Cudurka Caronavirus oo lagu karantiilay dalka Itoobiya

Wadamada caalamka waxaa ka socda dadaalo badan oo lagu doonayo in laga hortagao cudurka halista ah ee ka dilaacay dalka Shiinaha ee Coronavirus, waxaana cudurkan hada kusii faafayaa wadamo hor leh.

Dalka Itoobiya ayaa waxaa la karantiilay dad looga shakiyay in ay qabaan cudurka Coronavirus, waxaana baaritaano dheer kadib dadka laga shakiyay qaarkood la ogaaday in aysan cudurkaasi qabin.

Xarunta dabagalka cudurka Coronavirus  ee dalka Itoobiya ayaa shaacisay in xarunta lasoo gaarsiiyay 29-qof oo looga shakiyay in ay qabaan caabuqa Coronavirus kuwaa oo goobo gaar ah lagu karantiilay.

Dadka laga shakiyay in cudurka Coronavirus  qabaan ayaa dheecaano laga qaaday loo diray Koonfur Afrika, waxaana la ogaaday in dadkaasi badankood aysan qabin cudurka waxaana wali harsan natiijada sadex qof oo laga shakisan yahay kuwaa oo goob gaar ah lagu hayo.

Wasaarada Caafimaadka dalka Itoobiya ayaa sheegtay dadkii looga shakisnaa in cudurka Caronavirus qabaan markii laga waayay la fasaxay, waxa ayna Wasaaradu sheegtay in ay sii wadeyso dadaalada looga hortagayo cudurkan halista badan.

Cudurka Coronaviris ayaa ka dilaacay magaalada Wuhan ee dalka Shiinaga, waxa uuna markii dambe cudurkan kusii fiday qeybo kamid ah dalka Shiinaha iyo wadamao kale oo caalamka kuyaala, waxaana sii kordhaya dadka u geeriyoonaya cudurkan halista ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -