C/rashiid Janan oo markii ugu horeysay ka soo muuqday Warbaahinta (Sawirro)

Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa ka soo muuqday warbaahinta tan iyo markii dhowaan uu ka baxsaday xabsi ay leedahay DF oo ku yaalla Muqdisho halkaasoo uu ku xirnaa muddo ka badan shan bilood.

“Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo qaar ka mid ah golaha wasiirada Jubaland ayaa booqday taliska ciidamada daraawiishta Jubaland ee degmada Beladxaawo, waxaana wasiirada ka mid ah wasiirka amniga Jubaland Cabdiraahiid Janan.” ayaa lagu yiri qoraal laga baahiyey warbaahinta Jubbaland oo aan laheyn faahfaahin intaas ka badan.

Qoraalka ayaa waxaa la raaciyey sawiro uu ka dhex muuqday Cabdirashiid Janan oo la taagan madaxweyne ku xigeenka Jubbaland iyo ciidamo hubeysan, kuwaasoo ku sugnaa meel aan si madax banaan loo xaqiijin karin oo ku taalla xadka Somalia iyo Kenya.

Ciidamo ka amar qaata dowlada Somalia ayaa la sheegay iney shalay la wareegeen degmada Belad-xaawo taasoo aan suuragal ka dhigeynin in kulankan uu ka dhaco degmadaas, waxaana C/rashiid Janan uu joogay maalmahan degmada Mandhera halkaasoo ay u badan tahay inuu kulankan ka dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -