Ciidamo ka tirsan AMISOM oo lagu weeraray Sh/hoose & faahfaahino ka soo baxaya

Dagaal culus ayaa xalay ka dhacay degaano ka tirsan gobolka Sh/hoose kaasoo dhexmaray ciidamo ka tirsan AMISOM iyo xoogag taabacsan Al-Shabaab.

Sida wararku sheegayaan dagaalka ayaa qarxay markii xoogaga Al-Shabaab ay weerar qorsheysan ku qaadeen saldhig ciidamada AMISOM iyo kuwa DF ku leeyihiin degaan lagu magacaabo Buufow bacaad oo ku dhow magaalada Marko.

Labada dhinac ayaa isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana Al-Shabaab ay ridayeen gantaalaha garabka laga gano iyo hub kale, iyadoo ciidamada AMISOM-na ay ku jawaabayeen madaafiic culus oo ku dhacday degaano ka baxsan goobta lagu weeraray sida ay sheegayaan goob joogayaal ku sugan degaanka.

Weli lama oga Khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay AMISOM iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Buufow Bacaad ee Gobolka Sh/hoose oo socday muddo saacado ah inkastoo Al-Shabaab ay guulo ka sheegteen dagaalkan sida lagu daabacay baraha internetka ee codkooda ku hadla.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -