Deni oo ku dhawaaqay go’aan culus oo ka dhan ah Shirkada DP World (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta furay Kalfadhigga 48-aad ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland.

Hadaljeedintiisa Dastuuriga ah wuxuu Madaxweynuhu Baarlamaanka la wadaagay waxqabadka Maamulkiisu ka sameeyay dhinacyada Amniga, Dimuqraadiyadda Puntland, arrimaha bulshada, Kaabayaasha dhaqaalaha, horumarinta degmooyinka iyo Doorka Puntland ee Arrimaha Federaalka iyo Doorashada Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Siciid Candullaahi (Deni) ayaa sheegay in la joojiyey lacagihii shirkadda BNO oo hoos tagga shirkadda DP World ka qaadi jirtey dekedda Boosaaso.

Hadalka Deni ayaa imanaya xili ay jiraan dad wali ka walaacsan in aan shaqo laga bilaabin dekedda, oo ay shirkadda DP World la wareegtay afar sano kahor

Shirkadan DP World ee laga leeyahay Emirate-ka, ayaa heshiisyo la gashey maamulada Somaliland iyo Puntland, taasoo ay isku maan dhaafeen dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Munaasabadda waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Madaxweyne Ku-Xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoonka Baarlamaanka, Mudaneyaasha Baarlamaanka, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, Saraakiil Madaxtooyo iyo Marti sharaf kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -